Hargeysa (Arabsiyo) – Waddamada Beesha Caalamka, ayaa War ka soo saaray Qodobbo khuseeya Xaaladda Laascaanood iyo doorashooyinka oo ay dhawaan ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland.
War-murtiyeed ay soo saareen Dawladaha Belgium, Canada, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Turkiye, United Kingdom, iyo the United States of America, ayay ku faahfaahiyeen waxyaabihii ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland.
War-muriyeedka ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Wada-hawl-galayaasha Belgium, Canada, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Turkiye, United Kingdom, iyo the United States of America, ayaa kulan wada jir ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay colaadda hubaysan ee Laascaanood iyo saamaynta ba’an ee ay ku yeelatay shacabka, halka aanu sidoo kale walaac ka muujinay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland.
Wada-hawlgalayaasha ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha & iska horimaadyada sii socda ee Laascaanood, kaas oo hadda ku jira todobaadkii tobnaad.
Wada-hawlgalayaasha ayaa rejo ka muujiyay in amniga iyo wanaagga shacabka ay udub dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, Ciidamadana la kala qaado, lana geeyo halka lagu heshiiyo.
Waxaanu ku celinay muhiimada ay leedahay xaqiijinta gaadhsiinta gargaarka kuwa u baahan.
Farriimo la mid ah ayaa loo gudbiyay dhinacyada kale ee ay colaaddu ka dhaxeyso
Dhinacyada ugu waaweyn ee dirirtu dhexmartay ayaa marar badan si cad u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma ayna fulin ballan-qaadyadaas. Wada-hawlgalayaashu waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo rabitaanka tanaasulka si loo oggolaado wada-hadalka.
Waxaanu bixinay taageeradayada si loo helo waddooyinka loo maro nabad waarta, oo ay ku jirto caawinta fududeynta wadahadalka.
Wada-hawlgalayaashu waxay soo dhaweeyeen dadaallada iyo hindisaha ay wadaan hawl-wadeennada maxalliga ah iyo kuwa gobolkuba si loo xaqiijiyo xabbad-joojin iyo fududaynta wada-hadal.
Wada-hawlgalayaasha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in horumar degdeg ah laga sameeyo doorashooyinka Somaliland.
Waxaanu u soo jeedinay Madaxweynuhu inuu sameeyo khariiradda doorashada oo uu caddeeyo nidaamka iyo wakhtiga doorashadu dhacayso si loo helo diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan.
La-hawlgalayaashu waxay ka Mahad-celiyeen Ballanqaadyada soo noqnoqda ee uu Madaxweynuhu ku sheegay in uu diyaar u yahay nabad iyo wada-hadal la galo.
Waxaanu rejaynaynaa in ballan-qaadyadan lagu dhaqmo.
Waxay’se Wada-hawlgalayaashu ka xun yihiin inaanu Madaxweynuhu ballan qaadin in Ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay Laascaanood ay ka baxaan.”
Wallow, aanay Dawladahani aanay bayaankooda ku caddaynin in Madaxweynuhu uu hore gogol nabadeed u fidiyey, balse uu dhinaca kale ka hirgeli waayay.









