Khartuum (Arabsiyo) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay rabshadaha sii kordhaya ee magaalada Khartoum.
Sacuudiga ayaa ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka inay wada-hadlaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sidoo kale muujisay sida ay u doonayso dhammaan dhinacyada Suudaan inay wada-hadlaan iyo in hanaan nabadeed looga gudbo khilaafaadka.
Baaqyadan ayaa yimid, ka dib markii dagaal saaka ka dhex bilaabmay Ciidamada Millateriga Suudaan iyo Dablay isku Magacowday Gurmadka Deg-degga ah, kuwaasi oo kala taageersan Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan.
Xaaladda Khartuun ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, inkastoo milateriga uu sheegay inuu si buuxda gacanta ugu hayo madaarka.
Diyaaradaha dagaalka ee Suudaan, ayaa qayb ka ah dagaalka, waxayna duqeeyeen goobo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka ka soo horjeeda Ciidamada Dawladda.









