Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay In Shacabka Somaliland meel uga soo wada jeedsadaan difaaca Qaranka.
Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Haddii Somaliland Maanta dhibaato gaadho aan la iswaydin doonin Cidda Maamulaysay, balse la iswaydiin doono Cidda Mudakarka ah, sidaa darteed Difaaca Qaranku yahay Waajib saaran Muwaadin walba.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









