Boorama (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Dagaallada ka socda Magaalada Laascaanood, waxayna dadka dhibaatada wadda ugu baaqday inay Nabadgalyada qaataan, si dadkii ka barakacay halkaasi dib ugu soo laabtaan, dibna loogu dhiso Laascaanood.
Waxa kale oo ay Xukuumaddu farriin u dirtay Dadweynaha Gobolka Awdal, waxayna u soo jeedisay inay ka qayb-qaataan difaaca Qaranka.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa arrimahan kaga hadlay Shir-saxaafadeed uu qabtay.









