Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somaliland Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Alle ha u naxariisto’e, waxa Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabriraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo).

Alle ha u Naxariisto Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayaa Geeridiisa waxa Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaal Tacsi ah oo uu Madaxweynuhu u diray Shacabka iyo Ehelada Marxuum Guri-barwaaqo, ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, bahda qoraalka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 03/04/2023, Caasimada Somaliland Ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey Oday dhaqanyaqaan ah oo taariikhyahana, bugaag badana ku qoray afaf kala duwan, kaalin muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana baxay dalka iyo dadkaba.

Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda dhaqanka, bahda qoraalka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ”

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office