Laascaanood: Dagaal Aan Toos Ahayn Oo Dhacay Iyo Maleeshiyaad La Qabtay

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Dagaal, ayaa Maanta ka dhacay Jihooyinka Magaalada Laascaanood, ka dib markii Maleeshiyaadku ay Hubka culus ku soo tuureen Fadhiisimada Ciidammada Qaranka ee duleedka Laascaanood.

Waxa la sheegay in Ciidammada Qaranka oo ka jawaabaya duqaymaha Daan-daansiga ah ee Maleeshiyaadka, ay iyaguna si toos ah u duqeeyeen Goobaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadku, taas oo khasaare laxaad leh gaadhsiisay Maleeshiyaadka.

Wararka kale oo ka imanaya Magaalada Laascaanood, ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranku gacanta ku dhigeen illaa 15 Askari oo ka mid ah Maleeshiyaadka Nabad-diidka ah, kuwaasi oo watay Gaadhi Tikniko ah iyo hubka fudud.

Waxa la sheegay in Maleeshiyaadka la qabtay ay iyagoo Habow ah ay u galeen Ciidammada Qaranka, ka dibna la qab-qabtay, lana xidhay Inta Gaadhigii iyo hubkii ay siteen laga qaaday.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office