Dugaag Gudaha Boorama Dad Ku Dhaawacay 

0

Boorama (Arabsiyo) – Laba Qof oo Rag iyo Dumar ah, ayaa waxa dhaawacyo soo gaadhsiiyey Dugaag, ka dib markii uu ku weerarray gudaha Magaalada Boorama.

Dugaaggan oo loo Malaynayo Shabeel, ayaa gudaha Boorama ku weerarray Laba Qof oo kala ah Nin Oday ah iyo Gabadh dhallinyaro ah, sida ay sheegeen Warbaahinta Gobolka Awdal.

Labada Qof ee dhaawacu soo gaadhay, ayaa la geeyay Cisbitaalka guud ee Magaalada Boorama, si xaaladdooda loola tacaalo.

Lama oga Dugaaggani halka uu ka yimid, inkasta Sanadihii u dambeeyay dhowr Shabeel iyo Harimo-cad lagu arkay Buuralayda Awdal iyo Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office