Itoobiya Oo Aqoonsanaysa Somaliland

0

Addis Ababa (Arabsiyo) – Madaxweynaha cusub ee Gobolka Tigreega ee Itoobiya Cetachew Reda, ayaa sheegay in Dawladda Itoobiya ku dhawaaqayso Aqoonsi ay siinayso Somaliland.

Madaxweyne Cetachew Reda oo hore u ahaa Afhayeenka Jabhadda TPLF, ayaa qoraal uu ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken oo dhawaan booqday Addis Ababa uu Raysal-wasaare Abiy Axmed tusay Shaxda Hindise ka kooban 2 Qaybood, kaasi ay ku jirto aqoonsiga Somaliland.

Reda oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitterka, ayaa yidhi “Dhowaan, Ethiopia waxay siin doontaa Somaliland aqoonsi. Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxa uu Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanku tusay Nashqadda arrintaas, si loo helo amni iyo barwaaqo ka hanaqaada Geeska Afrika.

Waxa kale oo jira Laba qodob oo ugu muhiimsan hindisaha, kuwaasi oo kala ah ka Aaqoonsiga Somaliland iyo ilaalinta xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office