Laascaanood (Arabsiyo) – Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa dhirbaaxo ku dhuftay Maleeshiyaadka Huwanta ah ee ku sugan Lascaanood, ka dib markii ay weerar gardarro ah ku qaadeen Fadhiisimadooda ku yaalla Gambadha iyo Laascaanood.
Waxa la sheegay in subaxdii Maanta Saacaddu markay ahayd 4-tii Subaxnimo ay Maleeshiyaadku weerarreen fadhiisimada Ciidammmada Qaranka eee Aaggaga Gambadha iyo Laascaanood, laakiin ay jab kala kulmeen.
Si gaar ah, waxa la sheegay in Maleeshiyaad ka soo duulay dhinaca Puntland laga qabsaday illlaa 2 Gaadhi oo Tikniko ah oo hub ku rakiban yahay, 14 Qori oo nooca PKM ah iyo Maxaabiis ka badan 20, kuwaasi oo Ciidanku qaarkood muuqaallo ka duubeen.
Taliyaha Qaybta 12-aad ee Ciidammada Qaranka Somaliland Faysal Cabdi Bootaan oo Warbaahinta u faahfaahiyey sida uu dagaalku u dhacay, ayaa sheegay in markii koowaad Ciidammada Qaranka la soo weerarray, balse Ciidanka Qaranku ku rogaal-celiyeen isla-markaana dhirbaaxo culus ku dhufteen, kana guulaysteen oo ay ka qabsadeen Gaadiid dagaal, Hub iyo Maxabiis.
Sidoo kale, waxa la waraystay Maxaabiista la soo qabtay qaarkood, kuwaasi oo sheegay inay ka yimaaddeen dhinaca Puntland isla-markaana ay doonayeen inay u hiiliyaan Dadka la Haybta ah ee ku nool Laascaanood.
Dhinaca kale, Taliyaha hawl-gelinta Ciidammada Qaranka Somaliland Cabdi Xasan (Cabdi-dheere) oo isaguna Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku ay sidii Caadada u ahayd ay ku guulaysteen Dagaalkii lagu soo qaaday isla-markaana ay qabsadeen Gaadiid dagaal, Hub iyo Maxaabiis.
Taliyaha Hawl-gelinta, Ahna Afhayeenka Ciidammada Qaranka Somaliland wuxuu sheegay in Maxaabiista la qabtay ay ku jiraan saraakiil sare, kuwaasi oo qaarkood hoggaaminayey Ciidamada Weerarka ka soo qaaday dhinaca Puntland “Ciidanka Qaranku sidii caadada u ahayd wuu guulaystay, cadowgiina kabaha ay saydhiyeen, sidaas ayayna Ciidanku u guulaysan doonaan marka la soo weerarro..” ayuu yidhi Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland.









