Jigjiga (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo safar ku jooga Magaalada Jigjiga, ayaa la sheegay inay su’aalo waydiiyeen Ciidamada Sirdoonka ee Dawladda Federaalka Itoobiya.
Ma jiro War Rasmiya oo Laamaha amaanka ee Itoobiya ku caddeeyeen inay su’aalo waydiiyeen Cabdirisaaq Khaliif, balse ilo-wareedyo ayaa Warbaahinta u soo dusiyey in Mr. Khaliif lagu haysto qaabkii uu u galay Dalka Itoobiya.
Waxa la sheegay in Saraakiisha Sirdoonka Itoobiya waydiiyeen Cabdirisaaq Khaliif sida ay ku dhacday in isaga oo xil sidaa u sarreeya ka haya Jamhuuriyadda Somaliland uu Itoobiya galo isagoo wata Ciidamo aan sharci ahayn.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sirdoonka Itoobiya ay Cabdirisaaq Khaliif ku qabsadeen in isaga oo mansabka heerkaas le’eg ka haya Jamhuuriyadda Somaliland, haddana aanu Itoobiya ku gelin qaab sharci ah, isaga oo aan Dawladda Itoobiya ogayna uu Ciidan ilaalo soo kaxaystay, safar dhinaca dhulka ahna kaga soo baxay Laascaanood, isagoon War-gelin Dawladda Itoobiyana uu dalkaa iska galay, sidaa darteedna uu meel kaga dhacay Hab-maamuuskii uu yeelan lahaa.
Waxa kale oo la soo weriyey In Sirdoonka Dawladda dhexe ee Itoobiya ay Cabdirisaaq Khaliif su’aalo badan ka waydiiyeen
Inuu caddeeyo Ciidankii la socday markuu xadka dalkooda galay, kuwaasi la sheegay inay la gaadheen Jigjiga.
Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood oo xalkeeda loo xil-saaray kala aragti noqday Garaaddada beeshiisa oo ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland, arrintaas ayaa keentay in Xukuumadda Somaliland soo jeediso in Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo.









