Hargeysa (Arabsiyo) – Shirkadda Gob Store oo Dhawaan Macaamiisheeda u samaysay Qiimo dhimis heer sare ah, ayaa Maanta xaflad la isku arkay ku daah-furtay Wejiga labaad ee Qiimaha dhimista ay ugu talo gashay macaamiisheeda.
GOB STORE BRAND oo ugu ballaadhan Shirkadaha aynigeeda ah, ayaa Macaamiisheeda ku xidhan iyo dadka kale ee danaynaya Agabkeeda Tayada leh, waxay ugu yeedhay inay ka faa’idaystaan Qiimo-dhimista Shirkaddu u samaysay, maaddaama oo Qiimo-dhimistan oo jeebka Shacabka lagu dhowrayaa muddo kooban soconayso.
Wejiga labaad ee Qiimo-dhimista, waxa Faahfaahiyey Madaxa Suuq-geynta Shirmadda Caanka ah ee Gob Store Mr. Farxaan Xaashi Cabdillaahi, waxaanu sheegay in Qiimo-dhimistan oo dhan 40% loogu Talo-galay inay ka faa’idaystaan Macaamiisha Shirkaddu, gaar ahaan Dadkii aan hore fursadda ugu helin Qiimo-dhimistii at hore shirkaddu u samaysay.
Gebogabadiina waxa Qiimo-dhimistan ka hadlay Maamulaha guud ee Shirkaddaasi Mudane Muuse Maxamed Ibraahim, waxaanu Macaamiisha iyo Dadweynaha kale ugu yeedhay inay ka faa’idaystaan Qiimo-dhimistani Muddada ay soconayso.
Qiimo-dhimistani maaha tii koowaad ee Shirkadda GOB STORE u samaysay Macaamiisheeda, balse sidan oo kale ayay hore ugu samaysay Macaamiisheeda iyo Dadweynaha kale ee Somaliland Qiimo-dhimis.
Imikana, waxa Macaamiishu Agabyada Shirkadda ee Qiimo-dhimista lagu sameeyay ka heli karaan Xarumaheeda ku kala yaalla Suuqa Dhexe ee Hargeysa, sida Burj Oomaar iyo Suuqa Waaheen iyo Magaalada Boorama oo laga heli karo Xarumaheeda ku yaalla suuqa dhexe ee Magaalada Boorama.









