Warbaahinta Maraykanka Oo Sheegtay In Al-shabaab Ku Lug Leedahay Dagaalka Laascaanood

0

USA (Arabsiyo) – Warbaahinta Maraykanka, ayaa War-bixino ka qoray Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.

Warbaahinta kala ah Fox News iyo AP (Associated Press), ayaa sheegay in dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ay ku lug leeyihiin kooxda Al-shabaab, kooxdaasi oo doonaysa inay ka faa’idaysto Nabadgalyo-darrada ay abuureen Maleeshiyaadka deegaanka iyo kuwa kale ee ka soo gudbay xuduudka Somaliland la wadaagto Soomaaliya.

Fox News iyo Wakaaladda Wararka ee AP oo ka mid ah Warbaahinta ugu caansan Adduunka, ayaa iyaga oo soo xiganaya diblumaasiyiinta kooxaha samafalka sheegay in Somaliland ay 32 sano ka hor ka Madax-banaanaatay Soomaaliya, balse maleeshiyo beeleedka dagaalkooda ay Al-shabaab ka faa’idaysanayso ay doonayaan in dhulka ay deegaan ahaan ka soo jeedaan ku daraan Soomaaliya.

Warkan ayaa beeninaya dooddii Garaaddada Sool iyo Buuhoodle ee ahayd in aan kooxda Al-shabaab qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood.

Xukuumadd Somaliland, ayaa hore u sheegtay in Ciidamada Qaranku ay Magaalada Laascaanood kula dagaalamayso Kooxo Nabad-diid ah oo Al-shabaab ka mid tahay.

Doodda Xukuumadda Somaliland, waxa sii xoojiyey Madax-dhaqameed iyo Waxgarad Shalay ka hadlay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Xukuumadda Somaliland ku raacay in Al-shabaab qayb ka tahay dagaalka Laascaanood.

Waxgaradkan ayaa sheegay inay Lascaanood ku sugan yihiin illaa 600 oo ka mid ah dagaalemayaasha kooxda Al-shabaab.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office