Muqdisho (Arabsiyo) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa u duur-xulay Madax-dhaqameedka iyo Dadka qaska ka wada Magaalada Laascaanood ee Somaliland, waxaanu sheegay shirarka beeluhu qabsanayaan in ayna xal u ahayn tabashada ay ka qabaan Dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa caddeeyay in tabashooyinka beeluhu ay fursad siinayaan kooxda Al-shabab, sidoo kalena ay yihiin hadafka Alshabaab ee ah in Dowladda iyo dadka iska hor yimaadaan.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay tabasho kaste oo la qabo in loo baahan yahay in lagu dhex xalliyo Dowladda dhexdeeda, wuxuu sheegay cid kaste inay wakiil ku leedahay hay’adaha dowladda
“Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan la dagaalanka Al-shabaab ka mashquulno,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.
Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yimid iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay qaar kamid ah beeluhu ka cabanayeen habka wax qeybsiga Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena shir Madax-dhaqameedka Sool ku qabteen Laascaanood uu sababay dagaal, kaasi oo dunidu ogaatay in Al-shabaab ku lug leedahay.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









