Turkey (Arabsiyo) – Labo dhulgariir oo waaweyn ayaa Xalay mar kale ku dhuftay gobolka Hatay ee Turkiga oo u dhow xadka Suuriya, labo toddobaad uun ka dib markii labo dhulgariir kale oo waaweyn ay ka dhaceen aaggaas, sida ay Xalay sheegtay Hayadda maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas (AFAD).
Marka loo eego xogta Hay’adda AFAD, xudunta dhulgariirkii ugu horreeyay, ayaa cabbirkiisu ahaa 6.4 wuxuuna ka dhacay degmada Defne.
Dhulgariirka labaad oo cabbirkiisu ahaa 5.8 magnitude ayaa ka dhacay degmada Samandağ ee ku taal Hatay ee Türkiye, waxaana uu gilgilay aaggaas dhowr daqiiqo uun ka dib dhulgariirkii 6.4.
Dhulgariirrada ayaa sidoo kale laga dareemay toban gobol oo kale, kuwaas oo ay saameyn weyn ku yeesheen labada dhul-gariir ee waaweyn, waxaana muuqaallada laga soo duubay ay muujinayaan dadka oo argagaxsan oo wadddooyinka tuban.
Dhulgariirka ayaa sidoo kale laga dareemay dalalka Suuriya, Masar, Lubnaan, Ciraaq, Falastiin iyo Urdun.
Goob joogayaal ku sugan deegaanka ayaa xusay in qaar ka mid ah dhismayaal ku burburay labadii dhul-gariir ee laba todobaad ka hor ay burbureen, iyadoo maamulka uu ku ordayay si ay u baaraan dadka, kuwaasoo ay horay ugu burbureen musiibooyinkii hore.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









