Toogasho Ka Dhacday Maraykanka

0

USA (Arabsiyo) – Nin ku hubeysnaa saddex qori, ayaa toogasho ku dilay xaaskiisii ​​hore iyo shan qof oo kale, ka dib weerar ka dhacay magaalo yar oo ku taalla gobolka Mississippi ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Dhibanayaasha ayaa waxaa lagu dilay dhowr goobood, oo ay ku jiraan bakhaar iyo labo guri oo ku yaalla deegaanka Arkabutla, oo ah meel ay degan yihiin in ka yar 300 oo qof.

Booliiska ayaa nin 52 jir ah oo deegaanka ah ku soo oogay dacwad dil oo darajada koowaad ah, waxaa lagu hayaa xabsiga degmada.

Wali lama sheegin sababta ka danbeysa weerarka. Tuhmanaha ayaa la rumeysan yahay inuu ku kacay wax alle iyo wixii maskaxdiisu fartay..”ayuu yidhi badhasaabka Mississippi, ee Tate Reeves.

Dhacdadan ayaa bilaabatay markii ninka hubeysan uu galay goob lagu iibiyo shidaalka abbaaro 11:00 xilliga maxalliga ah ee Maraykanka, isla-markaana uu toogtay nin aan wax xidhiidh ah la lahayn..” ayuu yidhi Sheriff Brad Lance.

Kadib waxa uu u galay Guri u dhawaa, halkaas oo uu si ba’an ugu toogtay xaaskiisii ​​hore, sida ay sheegtay warbaahinta CNN-ku, balse ma aanu toogan ninkii guursaday.

Baadhayaasha ayaa sheegay in ninka hubeysan uu markaas kadib u kaxeystay gaadhigiisii guri ku dhagan hoygiisa, waxaana uu si badheedh ah u toogtay nin laga yaabo in uu adeer u ahaa, iyo sidoo kale haweeney aan magaceeda la shaacin, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Toogashada noocan ah, ayaa caadi ka dalka Maraykanka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office