QM Oo Ka Hadashay Tirada Dadka Ku Barakacay Dagaalka Laascaanood

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku Xidhka Arrimaha Bani’aadannimada ee Magaciisa loo soo gaabiyo (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhowaan ay dagaallo ka dhaceen.

Bayaan Khamiistii kasoo baxay xafiiska OCHA, ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

“In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakiciyey,” ayaa lagu yidhi bayaanka, iyada oo shaqaalaha gargaarka ay la xarbinayaan inay ka jawaabaan xaaladda sababo la xidhiidha agabka oo aan ku filneyn.

Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo Carruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka barakacay, iyada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xidhmay dagaalka dartiis.

OCHA ayaa sheegtay in saraakiisha Cisbitaalka guud ee Laascaanood ay ku warrameen dhimashada 57 qof iyo 401 oo dhaawac ah oo lagu daweeyey afar Cisbitaal oo kala duwan.

Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda Qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCHR.

“Iyagoo aad u daalan oo argagaxsan, waxay yimaaddeen iyagoo sita wax aad u yar, kaliya waxay qaateen wixii ay qaadi karayeen,” waxaa sidaas tidhi afhayeen u hadashay UNCHR Olga Sarrado Mur oo shir jaraa’id ku qabatay Geneva.

“Celcelis ahaan, 1,000 qof ayaa maalin kasta u gudbaya Itoobiya,” ayey tidhi, iyada oo intaas ku dartay in kheyraadka aad ugu yar yahay gobolka Soomaalida oo isna la tacaalaya abaar darran, kadib shan xilli roobaan oo aan la helin.

Dagaalka Laascaanood ayaa qarxay 6-dii February, wuxuuna u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Wuxuu dagaalka yimid kadib markii odayaasha gobolka ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen inay hoos tagayaan dowladda federaalka Soomaaliya, uguna baaqeen mas’uuliyiinta Somaliland inay ciidamadooda kala baxaan aaggaasi

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa xabad-joojin ku dhowaaqay 10-kii February, hase yeeshee waxay Axaddii ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay soo weerartay ciidankeeda.

Dowladda federaalka si toos ah ugama jawaabin eedeymahan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo dhoweeyey xabad-joojinta, wuxuuna ku baaqay in “gargaarka bani’aadannimo uu helo marin deg deg ah.”

“Ayada oo kumanaan qof ay barakaceen, baahida loo qabo gargaar deg deg ah aad ayey hadda u culus tahay,” ayuu yidhi.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office