“Argagixisada Al-shabaab, Ayaanu Kula Dagaalanaynaa Laascaanood..” Nuux Taani

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa mar kale ku celiyay in kooxo argagixiso ah oo khatar ku ah amniga Geeska Afrika, ay kula dagaalamayaan Magaalada Laascaanood.

Nuux Taani oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood Jimcaha Maanta, ayaa sheegay in magaalada ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab iyo Puntland oo ciidan, ub iyo dhaqaale dagaalka ku taageeraysa.

“Al-shabaab ayaa joogta oo ku dagalamaysa, waxa ka dagaalamaya Puntland, dadka deegaanka ee markii hore soo yaacay way iska noqdeen, laakiin dadka ku dagalamayaa waa Al-shabaab iyo Puntland, iyo kuwo kale oo koonfur ka soo baxsaday oo yimid” ayuu yidhi Taani.

Waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ahi ay rabaan in ay Laascaanood ka dhigtaan saldhig cusub, kadib dagaalka deegaano badan ay dowlada Soomaaliya kaga xoraysay kooxda Al-shabaab.

“Waxa halkan la doonaya in laga dhigto saldhig Al-shabaab oo dadkii Xamar laga soo eryay ay halkan ku fidaan, oo ay salka dhigtaan ayay doonayaan, iyo Puntland oo doonaysa in ay dib ula soo noqoto gobolka” ayuu yidhi Taani.

Waxa uu sheegay in haddii aan kooxaha argagixisada ah laga sifayn Laascaanood ay khatar amni ku keenyaan dowladaha jaarka, sida Itoobiya iyo Jabuuti, waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay Buuhoodle saldhig u ahayd imikana ay rabaan in ay Laascaanood isku fidiyaan.

Taliyuhu wuxuu sheegay in kooxaha ka dagaalamaya Laascaanood ay rabaan in ay dowlad Islaami ah ka dhisaan “Shalay ayuu Cabdi Madoobe lahaa, waa kufaar kuwani ee dowlad Islaami ah ayaanu ka samaynaynaa, waxa laga doonayaana waataa..”.

Waxa uu sheegay in ay difaacayaan nabadgalyada Geeska Afrika oo ay ka cabsi qabaan in argagixisada uu sheegay ay ku fido waddamada jaarka, isagoo intaa ku daray in ay ciidanka u fududahay in ay kooxaha argagixisada uu ku tilmaamay ay magaalada ka sifeeyaan, laakiin shacabka ay u tudhayaan

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office