Maraykanka Oo Lagaga Hadlay Dagaalka Laascaanood

0

USA (Arabsiyo) – Ku-xigeenkii hore ee Ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika Tibor Nagy, ayaa ka hadlay dagaalka Maalintii 7-aad ka socda Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolkaa Sool ee Somaliland.

Ambassador Tibor Nagy, ayaa sheegay inay Wax laga xumaado tahay In Somaliland oo Sawir Wanaagsan u ahayd Dalalka bariga Afrika uu Magaalo ka mid ah uu dagaal ka socdo muddo.

Tibor Nagy, wuxuu Xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay Saxaafadda u fasaxdo Magaalada Laascaanood, si loo soo bandhigo xaqiiqada dagaalka ka socda Laascaanood, maaddaama oo ay jiraan eedaymo la xidhiidha Gabood-falo Bani-aadminimo.

“Dawladda Somaliland, waa in ay si buuxda u daah-furtaa oo u ogolaataa warbaahinta..” ayuu yidhi Ambassador Tibor, si Caalamka loogu soo bandhigo Xaqiiqada dagaalka Laascaanood.

Somaliland, ayaa u baahan inay Warbaahinta Caalamiga ah u fasaxdo Laascaanood, si loo soo bandhigo kooxaha Argagixisada ah ee dagaalka qaybta ka ah.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office