Itoobiya Oo Ka Cadhootay Askarta Kililka Soomaalida Oo Dagaalka Ka Qayb-galay

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, ayaa Ciidammadeeda Millateriga keentay Xuduudka Buuhoodle, si ay uga hor-tagaan In kooxaha Argagixisada ah ee dagaalka Laascaanood qaybta ka ahi dalkeeda u gudbaan.

Ciidammada Federaalka Itoobiya, ayaa halkaa la geeyay, ka dib markii Kuwa Liyuu Booliska ee Kililka Shanaad ee Itoobiya oo halkaa ku sugnaa ay ka qayb-qaateen dagaalka isla-markaana iyagoo hayb ahaan ku socda ay dhinaca saareen Maleeshiyaadka ka amar qaadanaya Garaaddadii Laascaanood ku shiray.

Waxa la sheegay in dhammaan Ciidamadii Liyuu-ga laga qaaday xuduudka Buuhoodle, ka dib markii dagaalka ay la galeen Ciidammada Somaliland lagaga dilay Askar ka badan 20, lagana qabtay illaa 17 kale.

Dawladda Federaalka Itoobiya oo ka cadhootay sababta Liyuu-gu uga qayb-galeen dagaalka Laascaanood, ayaa markaa ka dib gabi ahaanba xuduudka Buuhoodle soo dhoobtay Ciidan Millateri ah, halka Liyuu dib loogu celiyey deegaanadii markii hore laga soo qaaday.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Dawladda Itoobiya indhaha ku hayso dagaalka Laascaanood, si dagaalemayaasha kooxaha Al-shabaab ee colaadda Laascaanood qaybta ahi aanay ugu tallaabin dhanka Itoobiya.

Itoobiya iyo Somaliland oo wadaaga xuduud dheer, ayaa leh iskaashi dhinaca amaanka ah.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office