Hargeysa (Arabsiyo) – Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in aanay haysan Kalsooni ay kaga qayb-qaataan Daminta Xaaladda Laascaanood.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo Maanta Shir-guddoomiyey fadhigii Golaha Guurtida ee Maanta, ayaa sheegay in Golaha Guurtidu uu arrinta Laascaanood xilligan geli karin, maaddaama oo Xabad-joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday ay reer Laascaanood u arkeen khiyaamo isla-markaana mar kale weerareen Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool.









