Laascaanood (Arabsiyo) – Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxa Maanta mar kale ka dhacay dagaal u dhexeeya Maleeshiyaadka ka amar qaadanaya Garaaddada Sool iyo Buuhoodle iyo Ciidammada Qaranka Somaliland.
Dagaalkan ayaa bilaabmay, ka dib markii Maleeshiyaadku weerareen Ciidammada Qaranka, iyagoo iska dhego-mariyey Xabad-joojintii ay Dawladda Somaliland xalay ku dhawaaqday.
Dagaalka ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaad leh oo soo gaadhay Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey weerarka Saaka lagu qaaday Ciidammada Qaranka ee Laascaanood ku sugan “Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu.”









