Aas Qaran Oo Maanta Hargeysa Loogu Sameeyay Axmed Xaaji Cali Cadami Oo Geeriyooday

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb-galay aas-qaran, ayaa loo sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami oo xilal kala duwan kasoo qabtay Jamhuuriyadda Somaliland, maantana lagu aasay Xabaalaa Halleeya ee bariga Caasimadda Hargeisa.

Aaska Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami oo ay ka doo qeyb-galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxmauud Aadan, shir gudoonka wakiilada, Siciid Mire Faarax iyo Cali Xaamuud Jibriil, Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Taliyeyaasha Ciidamada, qaar ka mida maayarada Dalka, Siyaasiyiin kala duwan, Madaxda Dhaqanka, xubno kamida Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo badiba haldoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ayaa ka warramay Taariikhda Marxuumka, waxayna Alle uga baryeen Inuu u naxariisto.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office