Madaxweynaha Jabuuti Iyo Xiisadda Laascaanood

0

Addis Ababa (Arabsiyo) – Urur-goboleedka IGAD, ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu sheegay inuu ka wado xiisada ka taagan Laascaanood.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in xiisada Laascaanood ay ururka ku abuurtay walaac, isaga oo sheegay in ay u baahan tahay in fiiro gaar ah loo yeesho, si xal nabadeed laga gaadho.

“Sidoo kale waxaanu soo qaadanayna xiisada ka dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaaldada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yidhi Gebeyehu.

Xoghayaha ayaa bogaadiyay dadaalo dhexdhexaadin ah oo uu madaxweynaha Jabuuti ka wado xiisada Laascaanood, waxaanu sheegay in ururku uu Geelle ku dhiirigalinayo in uu sii wado dhexdhexaadinta.

“IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hadda uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yidhi Gebeyehu.

Xiisadda Laascaanood ayaa wali taagan, isla markaana salaadiinta dhaqanka ee gobolada Sool iyo Buuhoodle, ayuu shir lagaga tashanayo masiirka siyaasadeed ee bulshada deegaanadan dagta uga socda magaaladaasi

Ciidamada Somaliland ayaa magaalada dibada ka jooga, si fursad loo siiyo dadka deegaanka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office