Hargeysa (Arabsiyo) – Munaasibada Xuska Sanad Guurada 29-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa markii labaad lagu qabanayaa Gobolka Sool, gaar ahaan fadhiisinka ciidamada Qaranka ee Magaalada Laascanood Khamiista berri oo ku beegan 2 Bisha February ee 2023.
Madaxda Sare ee dawlada iyo Taliyayaasha Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa lagu wadaa in ay munaasibada kaga qayb galaan Gobolkaasi.
Waa Markii labaad ee Munaasibada Sanad Guurada Ciidamada Qaranka Gobolkaas Sool lagu qabto.
2017 ayaa lagu qabtay Magaalada Oog waana markii ugu horaysay ee Laascaanood lagu qabto.
Laakiin, Xuska Lagu qabanayo Magaalada Laascaanood ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad ka taagan tahay Magaalada Laascaanood oo uu shir uga socdo Madax-dhaqameed qaarkood ka soo horjeedaan in Ciidammada Qaranku joogaan halkaasi.









