Muqdisho (Arabsiyo) – Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay qaraxii dhimashada badnaa 30-kii bishii January ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.
Qaraxaasi, oo uu fuliyey qof ismiidaamiyey, ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 101 qof, iyada oo 225 kale ay ku dhaawacmeen. Dhibanayaasha ayaa badankoodu ahaa saraakiil boolis.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu sheegay in Soomaaliya inay si weyn u cambaareyneyso falalkan dambiyada ah iyo inay si joogto ah u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida, kuwaas oo ka horimanaya qiyamka iyo mabaadii’da aadanaha.
Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo dadka Pakistan ay ehelkooda ku waayey qaraxyada, iyada soo kabasho deg deg ah u rajeysay dhaawacyada.
Weerarka Peshawar ayaa ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca magaalada oo ku taalla meel 20 km u jirta xuduudda Afghanistan.
Peshawar ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay fulisay kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Taalibaanta Pakistan. Hase yeeshee kooxda ayaa markan iska fogeysay weerarkan.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









