Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Wararka uga sii dari kara Xaaladda Laascaanood

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliland, yaa warbaahinta uga digtay in a faafiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin keeni kara in xaaladda Laascaanood ka sii darto.

War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa warbaahinta looga digay in ay faafiso warar ama warbixino keeni kara in xaaladda magaalada Laascaanood ay ka sii darto.

War-saxaafadeedka oo uu soo saaray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Siciid Xasan Habbane ayaa lagu yidhi “Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland, waxay uga digaysa dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, iyo wariyayaasha ka howlgala gudaha Somaliland in ay baahiyaan warar, warbixino iyo ra’yi ururin dab kusii hurin karta xaalada ka taagan Laascaanood”.

Waxaanu intaa ku daray “Waxa waajib ku ah cidkasta oo ku dhaqan gayiga Somaliland in ay u hogaansamaan xeerarka dalka oo uu ugu horeeyo dastuurka JSL, kaasi oo waajibinaya adkaynta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office