Khadra Guhaad Oo U Tartamaysa Doorashada Baarlamaanka Jabuuti

0

Jabuuti (Arabsiyo) – Dhawaan waxa Dalka Jabuuti ka dhacaysa Doorashada Baarlamaanka.

Xilligan waxa socda waxa Dadka Leh hanka siyaasiga ahi soo bandhigayaan damacooda ah inay ka qayb-galayaan Doorashada Baarlamaanka Jabuuti.

Dadka illaa hadda Shaaciyey inay Musharraxiin u yihiin Doorashada Aqalka Baarlamaanka Jabuuti waxa ka mid ah Khadra Axmed Xasan Guhaad.

Musharraxad Khadra oo uu dhalay Axmed Xasan Liibaan (Guhaad) oo ka mid ahaa dadkii uu soo halgamay xorriyadda dalka Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa ka mid ah Dadka isku soo taagay inay ka qayb galaan doorashada baarlamaanka dalka Jabuuti.

Khadra Guhaad, waxay sheegtay in sidii Aabaheed ay ka shaqayn doonto horumarka iyo isku wadka reer Jabuuti iyo in dadka danyarta ah loo hadlo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Khadra Axmed Xasan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa ka tartamaysa Xisbiga RPP ee xukuma Jamhuuriyadda Jabuuti.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office