Sool (Arabsiyo) – Xildhibaannada Labada Aqal ee Wakiillada iyo Guurtida Somaliland ugu jira bulshada Gobollada Sool, Buuhoodle, Maamullada Gobolkaas iyo ka degmooyinka Laascaanood, xuddun iyo Taleex, ayaa si wada jir ah uga hadlay Xaaladda Magaalada Laascaanood.
Xildhibaannada iyo Masuuliyiinta kale oo Jimcaha Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay ka xun yihiin khasaarihii ka dhashay Mudahaaradadii ka dhacay Laascaanood, laakiin ay ka soo horjeedaan cid kasta nabadgalyo daro la damacsan Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.
Xildhibannada kala ah Axmed Cali Casoowe, Faratoon, Indho-indho iyo xubnaha kale ee halkaa ka hadlay, ayaa dufaacay Qaranimada iyo Midnimada dhuleed ee Somaliland, waxayna sheegeen in aanay jirin cid odhan karta Ciidammada Qaranku haka baxaan Gobolka Sool, maaddaama oo ay ciidanku joogaan dhulkooda.
Waxay sheegeen inay Masuuliyiin ahaan ka shaqaynayaan sidii tabashada reer Sool qabaan loogu dhamayn lahaa Wada-hadal, laakiin ay u digayaan cid kasta oo tumaysa dawanka colaadda.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









