Baligubadle (Arabsiyo) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa Maanta safar ahaqo ku tagay Deegaano ka mid ah Gobolka Hawd.
Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda H. Beeraha Cabdirisaaq Shaafi Maxamed, ayaa soo kormeeray Goobaha ay ka socoto Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Gobolka Hawd.
Wasiir Cabdiqaadir, ayaa Dadweynaha reer Somaliland guud ahaantood u soo jeediyey inay ka faa’idaystaan wakhtiga oo ay is-diwaangeliyaan, maaddaama oo kaadhka cod-bixintu yahay waxa Qofka awoodda u siinaya inuu doorto Cidda uu doonayo.
Wasiirka iyo Weftigiisa ayaa Intii halkaa ku sugnaayeen kormeeray Mashaariic kala duwan oo Wasaaradda Beerahu ka fulisay Magaalada Baligubadle, kuwaasi oo isagu jiro Beeraha loo beero Habka loo yaqaano ‘Green house’ iyo dhaam-biyood loogu Talo-galay inay ka faa’isaystaan Dadka deegaanka iyo Xoolahoodu.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa soo kormeeray Ceel-biyood Riig ah oo ay Wasaaradda Biyuhu halkaa ka fulisay









