Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qorshe Puntland Ku Doonayso Gooni Isku Taag

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladdiisa si weyn u ilaalisay nidaamka federalaynta iyo dib u daadajinta dalka.

Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqday mid looga jawaabayay eedayn dhawaan kasoo yeedhay Madaxweynaha Puntland oo sheegay in dowladda federalku ka shaqeynayso sidii dalka dib loogu celin lahaa nidaamkii uu ku burburay ee dowlad dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay, nidaamka federalka ee uu dalku rabo inuu yahay nidaam awood leh oo dalka isku haynaya.

Wuxuu sheegay inaan lagu qaldin nidaam dalku ku kala tagayo oo ay qolo waliba meel gooniya istaagi karto.

“Dalka in la federaaleeyo ma ahan in la kala tago oo qolo waliba meeshay rabto iska aadi karto. Jamhuuriyad federal ah ayaanu nahay. Wax walba oo taabanaya muwaadinka Soomaaliyeed, dowladda dhexaa masuul ka ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha, ayaa dhinaca kale sheegay in ayna jirin dowlad goboleed ay dagaal kula jiraan.

Wuxuu sheegay dowladdiisa inay diyaar u yihiin inay dowlad goboleedyada talada la gaadhaan.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego inaan furanahay. Albaab noo xidhan iyo qaddiyad noo gaar ah ma jirto. Soomaaliyada maanta joogta maxaa ku san ayaan ka hadlaynaa,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay furitaanka shirweynaha sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya, isagoo Madaxweynuhu sheegay inay ka go’an tahay in kalsoobni la siiyo garsoorka dalka.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office