Hargeysa (Arabsiyo) – Dawladda Somaliland, ayaa baaq u dirtay Bulshada Caalamka, si ay u Maalgashadaan dhulkeeda.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Somaliland ay soo jiidatay Maalgeshadayaal Caalami ah, sida Shirkadaha Coca-cola, DP World iyo General Energy, xilligana ay Bulshada Caalamka ugu yeedhayaan inay arkan oo ay ka faa’idaystaan fursadaha yaalla Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland wuxuu farriin u diray Shirkadaha Jarmalka “Somaliland waxay soo jiidatay maalgashadayasha, xasiloonida iyo kalsoonida awgeed, waxay heshay maalgashi caalami ah sida Shirkadaha waaweyn Coca-Cola, DP World iyo General Energy. Sidaa awgeed waxaanu ku martiqaadaynaa shirkadaha Jarmalka inay yimaaddaan oo ay khibrad u yeeshaan xasiloonida iyo fursadaha ay Somaliland bixiso.”ayuu yidhi.









