“Waxan Aad uga Xunahay Dhibaatadii ka Dhacday Magaalada Laascaanood”Gudoomiyaha Gobolka salel

0
Lawyacado: 29 -12 -2022 -(Arabsiyonews) Gudoomiyaha Gobolka salel Mudane mawliid maxamed Nuur iyo safiirka Dalka Djabuuti Amb. Cabdifataax oo Tacsi iyo Baaq-Nabadeed u diray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,
Gudoomiyaha iyo Ambassador ka ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo ay dablay hubaysani ku dileen gudaha laascaanood iyo xubnihii kale ee ku geeriyooday rabshadihii gudaha magaalada ka dhacay, waxana yidhaadeen masuulintu iyagoo jooga Gobolka ugu Koorneeya JSL ee xeebta Galbeed, kuna sugan magaalo Xuduudeeda Lawyacado
“Waxan aad uga xunahay oo aan halkan ka tacsiyeynaynaa dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood . Dilkii marxuumka Gacanta ka xaqdarani Dishay iyo Dadkii inaga ga dhintay buuqii ka Dhacay laascaanood.
Gudoomiyaha Gobolka salel iyo Ambassador ku waxay ugu baaqeen Bulshada Reer Sool guud ahaan iyo Gaar ahaan magaalada laascaanood inay Nabad-galyada ilaashadaan oo Dhan uga soo wada jeestaan wixii Dhibaada wadana gacan bir ah ku Qabtaan
Ugu Dambayn waxay illahay uga Baryeen inuu marxuunta Geeriyooday u naxariisto Ehelka na Samair iyo iimaan Rabi ka siiyo. Dhibaatana ka Dulqaado.
ALLAAH MAHAD LEH.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office