Hargeysa (Arabsiyonews) – Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa Khamiista Maanta ku kulmay Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si wada-jir ah uga qayb-galay Xaflad dhaqan oo lagu bixiyey Gabadh uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti, ayaa si gaar ah uga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka shaqaynayaan Dawladaha Turkiga iyo Norway oo ay wehelinayso Hay’adda Wada-xaajoodyada Bani-aadamnimada.
Kulanka Jabuuti ku dhex maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaan illaa hadda si rasmiya loo ogayn waxay ka wada-hadleen, laakiin Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, ayaa Warbaahinta u sheegay in labada Madaxweyne ku heshiiyeen inay dib u bilaabaan Wada-hadallada labada dal.
Warku wuxuu intaa ku daray in labada Hoggaamiye isla qaateen in bisha soo socota la bilaabo Wada-hadallada, iyada oo ay fududaynayso Hay’adda Wada-xaajoodyada Bani-aadamnimo oo qayb ka ahayd Dedaalladii Wufuudda Turkiga iyo Norway ugu gogol-xaadheen arrintan, kuwaasi oo Toddobaadkan kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.
Kulanta Maanta dhacay, waxa labada Madaxweyne ku wehelinayey Wasiirrada Arrimaha dibedda ee labada dhinac iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka socday Hay’adda Wada-xaajoodyada Bani-aadminimo.
Arabsiyonews.com








