Ciidamada federaalka ee Itoobiya iyo xulufadooda ayaa gudaha u galay magaalada muhiimka ah ku taalla Tigray ee Shire-waa guul muhiim ah oo ay gaareen tan markii dagaalka dib uga bilowday halkaas bishii August kadib xabad joojin shan bilood socotay.
Ciidamada fallaagada Tigray ayaa arrintan ku tilmaamay tallaabo ‘kumeel gaar ah’, waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka.Shire waa magaalo weyn oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 100,000 qof.
Magaaladan waxaa u dhaw magaalooyinka kale ee taarikhiga ah ee Axum iyo Adwa.
Markii uu dagaalka ka bilowday Tigray bishii November 2020-kii, magaalada waxaa kusoo qaxay kumanaan kun oo qof oo kasoo cararay dagaalka Tigray
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa sheegay in ‘xaaladda Itoobiya ay faraha ka baxday’, wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wadahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda.
Wuxuu intaa ku daray in aan la helin xal militeri oo lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhadda Tigray.
Xoghayaha guud ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Eritrea ay isaga baxaan halkaas kuwaas oo ka barbar dagaallamayay ciidamada Itoobiya.
Waxaa hakad galay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka tan iyo markii ay dagaallada dib uga bilowdeen Tigray bishii August ee sanadkan kadib muddo shan bilood ah oo xabad joojin ah