Hargeysa (Arabsiyonews) – Diblumaasiyiinta Maraykanka ee la socda Arrimaha Somaliland, gaar ahaan horumarinta dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo Habka Nabadgalyada ah ee Xisbiyada Qaranku talada ula kala wareegaan markay doorashooyinku dhacaan, ayaa isha ku haya xaaladda xilligan ee Somaliland. Diblumaasiyiintan oo wakhtiyo kala duwan socdaal xaqiiqo-raadin ah ku yimid Somaliland, ayaa difaacay Dimuqraadiyadda Somaliland oo Madaxda siyaasadda qaarkood ku dhaliileen inaan Xukuumadda talada haysaa aanay sidii ay ahayd u dhaqan-gelin, balse ay ku kacayso Tallaabooyin Xaqal-daacinaya Sumcaddii ay lahayd. Diblumaasiyiintan oo kala ah Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Ambassador Tibor Nagy iyo Micheal Rubin oo ah diblumaasi caan ka ah Maraykanka, ayaa sheegay in dhaliil kasta oo xilligan loo yeelayo nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ay muhiim tahay in lagu iloobo dedaalladii ay Somaliland hore u samaysay, sida doorashooyin Daah-furan oo is xig-xigay, kuwaasi oo qayb ka ahaa dedaallada dimuqraadiyadda lagu wanaajinayey. Tibor Naggy oo qoraal ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka, ayaa soo dhaweeyay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ballan-qaado inuu doorashada ku qabanayo wakhtiga ugu habboon ee ugu dhakhsaha badan “Waa Wax Wanaagsan in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu caddeeyay (sida uu u arko) go’aanka Aqalka Sare ee Guurtida ee dib u dhaca doorashada, isagoo sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo loo hoggaansamayo habraaca guddiga doorashada..” ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy. Sidaas oo kale, Mr. Micheal Rubin oo isaguna qoraal dheer ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Somaliland meel fog ka soo bilowday ku dhaqanka dimuqraadiyadda, sidaa darteed aan xilligan lagu canaanan karin waxyaabaha yaryar ee dib u dhaca doorashadu ka mid tahay “Somaliland waxa u qabsoomay 7 doorasho baarlamaan iyo Madaxtooyo. In ka yar 100 cod oo ka mid ah ku dhawaad 500,000 oo cod ayaa go’aamiyay doorashadii Madaxtooyada ee 2003, iyadoo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu si niyad ah u aqbalay in laga guuleystay. Waxaanu ku guulaystay doorashadii ku xigtay ee Madaxtooyada ee dhacday 2010. Sidoo kale, isbahaysi mucaarid ah ayaa ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2021, natiijadiina Madaxweyne Muuse Biixi wuu aqbalay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Somaliland waxa kale oo ay noqotay waddankii ugu horeeyey ee lagu sugo diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo lagu sameeyay sawirka bu’da indhaha. Iyadoo Soomaaliya ay heshay balaayiin doollar oo taageero dibedda ah, balse si joogta ah ay ugu guul darreysatay in ay qabato doorashooyin la isku halleyn karo, Somaliland waxay muujisay in dowladuhu ay guul gaadhi karaan marka ay damcaan.” Rubin wuxuu sheegay in siyaasadda Somaliland ku dhisan tahay shaqsiyaad “Siyaasadda Somaliland ee maanta ee shakhsiyadda ku dhisan ayaan la mid ahayn dagaalka ka socda dalka Ciraaq ee kheyraadka ku dhisan. Taas beddelkeeda, waxay ka tarjumaysaa is-afgaradka bulshada dhexdeeda ee ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee ku xeeran jihada dalka.” Diblumaasiyiintan, ayaa hadalladoodan ay ku difaacayaan dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa u muuqda jawaab ku socota Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka, ayaa isagoo daba socda Hadal uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku difaacay dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka dalka, wuxuu sheegay inaan Somaliland lagu tilmaami karin Waddan dimuqraaddi ah, maaddaama buu yidhi Muddo-kordhin Sharci-darro ah loo sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








