Hargeysa (Arabsiyonews) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadaa inuu 72-ka Saacadood ee soo socda uu isku-shaandhayn ballaadhan ku sameeyo Xukuumaddiisa. Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Madaxtooyada isla-markaana lagu caddeeyay qorshaha isku-shaandhaynta ee Madaxweynuhu damacsan yahay, balse ilo xog-ogaal ah, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News u sheegay in Madaxweynuhu uu isku-shaandhayntii ugu ballaadhnayd ku samaynayo Xukuumaddiisa. Isku-shaandhaynta ayaa la sheegay inay saamayn doonto Wasiirrrada, Wasiir ku-xigeennada, Agaasimeyaasha guud iyo Badhasaabbada Gobolladii uu dhawaan safarka ku soo maray. Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Madaxweynuhu uu Xukuumaddiisa ka caydhin doono Wasiirrada xilligan ugu tunka weyn qaarkood, kuna beddeli doono Wejiyo cusub oo saamayn muuqata ku leh deegaannada ay ka soo jeedaan, halka uu Xukuumadda dib ugu soo celin doono Siyaasiyiin hore Xilal Wasiirnimo uga soo qabtay,;kuwaasi oo sida la tilmaamay uu Madaxweynuhu uga maarmi waayay shaqada siyaasadda. Ilo-wareedyadu waxay Tibaaxayaan, in Madaxweynuhu uu shaqada ka saarayo Wasiirro Magac ku dhex leh Xukuumaddiisa, balse aan xilligan xaasaasiga ah saamayn muuqata ku dhex lahayn deegaannadooda, taasi oo ah sababta ay shaqooyinkooda ku waayi doonaan. Sidoo kale, Wasiirrada Xukuumadda qaarkood, ayaa iyadoo uu Madaxweynuhu eegayo Takhasusaadkooda wuxuu ka beddeli doonaa Wasaaradaha ay Xilligan joogaan, waxaanu geyn doonaa Wasaarado ku habboon, si aqoontoodu wax ugu kordhiso Hay’adaha loo beddelayo, arrintaasi oo qayb ka ah qorsheyaasha Madaxweynaha ee ah in Qof walba loo diro shaqada uu wax ka garanayo. Isku-shaandhayntan oo imanaysa, ka dib markii Golaha Guurtida Somaliland ay muddo-kordhin 2 sanadood ah u sameeyeen Madaxweynaha, ayaa saamayn doonta Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan ee Qaranka Waxa kale oo isku-shaandhayntan oo iskugu jirta Xil ka qaadis, isku-beddel iyo Magacaabista Masuuliyiin cusub, ay saamayn doontaa Badhasaabbada Gobolladii uu dhawaan Madaxweynuhu socdaalka ku soo maray, kuwaasi oo sida ilo-wareedyadu tibaaxayaan uu qaarkood saluugay habka Maamulkooda. Ugu dambayntii, Isku-shaandhayntan oo la xusay in Madaxweynuhu u samaynayo inuu dib ugu dardar-geliyo Xukuumaddiisa, maaddaama oo ay jiraan culaysyo siyaasadeed oo xilligan kaga imanaya dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ee diiddan Doorashada Ururrada siyaasadda, ayaa la saadaaliyey inay wax muuqda ka beddesho hanaanka siyaasadeed ee Dalka isla-markaana ay horseeddo in dadka deegaanno aan wakhtigan la dhacsanayn hoggaaminta Madaxweynuhu ay dhankiisa u soo dabcaan, taageeradoodana kala noqdaan Xisbiyada Mucaaradka ah oo xilligan Dadka reer Somaliland badankoodu u arkaan kuwo Sharci-diid ah oo doonaya inay dalka geliyaan qas aan loo baahnayn.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office