Hargeysa (Arabsiyo) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa bilaabay dedaallo uu ku doonayo inuu ku soo afjaro khilaafka ka dhex taagan Xildhibaannada Golihiisa ee kala aragtida ah. Khilaafka taagan ee u dhexeeya Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo sababay inuu Goluhu furmi waayo, ayaa yimid ka dib markii 33 Xildhibaan oo ka mid ah Golahaasi ay ansixiyeen Mashruuc Sharci, kaasi oo ay wax kaga beddeleen Xeerarka doorashooyinka, kaasi oo ay ka dhigeen in mar la wada qabto doorashada Ururrada siyaasadda iyo Madaxtooyada, arrintaasi oo 46 Mudane oo aqlabiyadda Golaha Wakiillada ahi ka hor-yimaaddeen isla-markaana sharci-darro ku tilmaamay. Khilaafkan oo meel sare gaadhay, ayaa sababay in Golaha Wakiilladu uu waajibaadkiisa si caadi ah u wadan kari waayo, maaddaama oo Xildhibaannada badankoodu diideen inay Golaha tagaan, illaa inta Xeerka doorashada sidiisii lagu soo celinayo. Si khilaafkaasi siyaasadeed loo soo afjaro awgeed, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isku keenay Xildhibaannada Golihiisa ee is khilaafsan, si uu iskugu dayo inuu arrinta taagan dejiyo isla-markaana uu xal ugu helo. Ma jiro War Rasmiya oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku caddeeyay isku keenidda Mudaneyaasha Golihiisa, balse Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in Guddoomiye Khaliif bilaabay heshiisiinta Mudaneyaasha Golaha Wakiillada. Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay inuu Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku bogaadinayo inuu kulansiiyey Xildhibaannada Golihiisa, guddi hawsha xallinta sii wadana uu u saarayo. Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo arrintaa si kooban uga hadlayaana wuxuu yidhi …”Waxa igu Maqaalo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuu arkay dhinacii kale ee ay is hayeen Xildhibaannada, isagoo leh waar Goluhu ha isku soo noqdo, arrintaana (Khilaafka) guddi baynu u saaraynaa, Golahana aynu khilaafka ka saarno. Arrintaana waan ku bogaadinayaa Guddoomiyaha, waana Tallaabo wanaagsan…” Sidoo kale Xildhibaan Abubakar oo ka mid ah Golaha Wakiillada, ayaa xaqiijiyey in Guddi loo saaray xallinta khilaafka Golaha Wakiillada ka taagan, laakiin ma sheegin in Guddiga laga dhex xulay Xildhibaannada is haya, balse wuxuu sheegay In xallinta khilaafka taagan lagu salaynayo sharciga dalka u yaalla “Xallinta Khilaafka Wakiillada, waxa loo raacayaa Sharciga Dadku dhigteen..” ayuu yidhi Xildhibaan Abubakar Siciid Cali.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office