Nairobi (Arabsiyo) -Madaxweynaha Kenya, Wiliam Ruto, ayaa Shalay shaaca ka qaaday golihiisa wasiirrada isagoo Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah Soomaalida Kenya uu u magacabaay inuu noqdo wasiirka gaashaandhigga Kenya. Aadan Barre oo hadda ah xildhibaan laga soo doortay Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, ayaa aad loo hadal hayay inuu soo geli doono golaha cusub ee wasiirrada isagoo ay aad isugu dhaw yihiin Madaxweyne Ruto. Wuxuu hadda u baahan yahay inuu iska casilo xildhibaannimada ka hor inta aanu la wareegin xilka wasaaraadda. Golaha wasiirrada Ruto oo ka kooban 22 wasiir ayaa waxaa lagu wadaa in loo gudbiyo baarlamaanka si ay uga doodaan. William Ruto ayaa sheegay inuu rajeynaya in Golaha Wasiirrada cusub ay si deg deg ah uga howlgalaan fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay intiii lagu guda jiray ololaha doorashada. Siyaasigan loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya, ayaa waxa laga Hambayeeyay dhinaca Somaliland. Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Cumar, ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Aadan Barre Ducaale. Ambassador Baashe oo qoraal ku baahiyey Twitter-ka, ayaa yidhi “Waxaan hambalyo iyo duco halkan uga dirayaa Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Kenya oo Madaxweynaha Kenya H.E. William Ruto u magacaabay Mudane Aadan Barre Ducaale.” Baashe Cawil ayaa sheegay in Somaliland iyo Kenya waddaagaan xidhiidh soo jireen ah oo dad iyo deegaan ba leh “Sidaas darteed waxaan rajaynayaa in xidhiidhkaasi noqdo mid Somaliland ay ku hesho ictiraaf buuxa…” aýuu yidhi.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








