Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Ee Golaha Wakiilada oo Fashiliyey Sirtii U Qarsooneyd Shirgudoonka iyo intii ugaarka aheyd Khaliif

0
Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa Markii, u horreysay Banaanka Keenay Sir u Qarsoonayd, Isaga iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, inkastoo aanney Shirgudoon ahaan iyo Mudanayaasha Golaha Wakiiladu Kawada Socon Qorshaha uu Ka Dhawaajiyey, haddana Waxey u Muuqatey Mid aheyd Amar Dulsaarnaa, oo Khaliif in badan Ka Warwareegay taas oo ah Sababta uu Ugu Riixey In Cali Xaamud Ka Sheego Xafladii, Urur Siyaasadeedka Hilaac Ku Qabsadey Magaalada Boorama.
Sida ilo Xog-ogaal ahi Sheegeen, Hadalka Cali Xaamud Jibriil, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada, ayaa Kusoo Beegmay Wakhti ay Mar Kaliya Ururada Siyaasadu dhaqaajiyeen Mawduucii, Muranka Siyaasiga ahi Ka Taagnaa, Kaas oo aanney Xisbiyada Mucaaridka ahi u haynin Qoddob ay Kaga Jawaab Celiyaan Kadib Markii ay, Socon Waayeen Qorshayaal badan, oo ay Ku Waajaheen in ay Carqalad uga Dhigaan Furista iyo Socodsiinta Ururada Siyaasada iyadoo ay horena u Jirtey, in Gudoomiyaha Waddani ee Xiligani taageeray Qaraarkii Maxkamada Sare Kasoo Saartey Go,ankii Dacwadda Mudanayaashu u Gudbiyeen, ee Xeer 14/2022 halkaas oo Sida uu uga hadley Mr Cali Xaamud ahaa Mid Ku Rafasho iyo qeexis Khaldan, ah oo u Muuqatey in Loo soo Yeedhiyay.
Sikasta oo ay Arintu u Socoto, Hadalkan Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu Wuxuu Ku Xidhiidhsan Yahey Go,aankii u dambeeyay, ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah Khusuusan Xisbiga Waddani Soo dhex Mariyeen Ganacsatada Kaas oo Nuxurkiisu ahaa in la Isku Sidko Doorashada Madaxtooyada iyo Tan Ururada Siyaasada iyaddoo Mudanayaasha Golaha Wakiilada-na loo adeegsanayo Awood dhaqaale oo ay Ku ansixiyaan Sirtan u Qarsoon ee la Doonayo in laga Meel Mariyo Golaha Wakiilada Haseyeeshee, ay Mudanayaasha intooda badani Wakhti Xaadirkan u Xuubsiibteen Ururada Siyaasada Kaas, oo in badan Lagu Canaantey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Gudbin Kari Waayey Fariinta, Waxaanney u Muuqataa in Hadalka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Noqonayo Mid Xaalwaa ah, Maadaama Shirgudoonka laf ahaantiisu gaar ahaan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Dhinaca Ururada u Leexday Qorshahanina Ka habsaamay Golaha halka uu Markii ka Soconwaayey Ganacsatdii Soo Gudbiyey.
W/Q:Cabdiraxmaan Hiiraan