Waxaa si rasmi ah xilka boqortooyada loogu caaleemo saaray Boqor Charles 3-aad kadib xaflad ka dhacday qasriga St James’s Palace.
Charles ayaa noqonayaa boqorka cusub kadib geeridii ku timid hooyadii boqorad
Elizabeth II.
Golaha xilka ku wareejinayay oo ka koobnaa siyaasiyiin sar-sare, garsoorayaal iyo saraakiil ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay Charles III.
Waa markii ugu horreysay oo teleefishinka laga baahiyo munaasabaddan taariikhiga ah
Waxaa xafladda caleemo saarka boqor Charles II ku sugnaa Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee UK sida Gordon Brown, David Cameron Boris Johnson iyo Theresa May.
Dhinaca lale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa ka bilowday diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta naxashka boqoradda.
Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool. Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaas oo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.
Waxaa la filayaa in intaas ka dib, dadweynaha loo oggolaado inay arkaan naxashka ka hor inta aan la geyn London maalinta Talaadada ah.
Halkan Ka Daawo Khudbaddii Boqor Charles III
Arabsiyonews.com









