” Marka aad Saddex Xisbi soo saartaan ayey Doorasho Madaxweyne Dhaceysaa …” Madaxweynaha JSL

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in marka Guddiga doorashooyinka Qaranku soo saaraan saddexda Xisbi Qaran ee cusub la geli doono doorashada Madaxtooyada.Madaxweynaha oo maanta Qasriga Madaxtooyada kula dardaarmay 7-da xubnood ee Guddiga doorashooyinka, ka dib markii uu hortiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay inay dalka ku soo waajahan yihiin laba doorasho, kuwaasi oo kala ah doorashada Ururrada siyaasadda iyo doorashada Madaxtooyada, sidaa darteed Xubnaha Guddiga looga baahan yahay inay u dhabar-adaygaan gudashada waajibaadkooda ee ah inay qabtaan doorashooyinkaasi, marka Saddexda Xisbi ee cusub soo baxaana la geli doono doorashada Madaxtooyada.
Madaxweynuhu wuxuu hadalka uu u jeediyey Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku caddeeyay in looga fadhiyo hirgelinta labada doorasho ee ururrada iyo Madaxweynaha oo uu xusay inay midda ururradu soo horayso.
Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Laba doorasho ayaa ina dul yaalla oo aad qaadaysaan, midi waa tii xisbiyada, marka aad saddexda xisbi soo saartaan baa Madaxweynahana la dooranayaa, ururradaa cararayaana Madaxweyne ayay doonayaan, markaa ma dhici karto in la yidhaahdo ururradow, ururna sameeya, Madaxweyne-na u gudbi maysaane dib u suga, sharcigana ma waafaqsana.”
War qoraal ah oo Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka Madaxweynaha iyo Guddiga doorashooyinka, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu xubnaha komishanka u sheegay inuu Madaxwene ahaan si buuxda u garab taagan taagan yahay, gacan buuxdana ka siinayo wax kasta oo dhinaciisa kaga xidhan.
Hadalka Madaxweynaha ee ah in Doorashada Madaxweynaha la qabanayo ka dib doorashada Ururrada siyaasadda, ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka ka taagan khilaaf salka ku haya ta soo horraynaysa doorashooyinka Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka November 2022 iyo doorashada Ururrada siyaasadda.
Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah, ayaa doonaya in doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, halka Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuna doonayaan in doorashada Ururradu soo horrayso, laakiin khilaafkaas oo aan weli xal loo helin ayaan la ogayn halka uu ka dambayn doono, iyadoo sidoo kalena la hadal-hayo suurto-galnimada in Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office