Ururka Waaberi Oo Muddeeyay Xilliga Uu Qabsoomayo Shirweynihiisu

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Urur-siyaasadeed WAABERI, ayaa muddeeyay xilliga la qabanayo Shir-weynaha Ururkaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay Xoghayaha guud ee Ururka Waaberi Salma Sheekh Maxamed (Walaaleeye) ayay ku sheegtay in shir Maanta uu qabtay Ururka Waaberi lagu doortay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Ururka, sidaa darteedna uu Guddoomiyaha Guddiga la doortay uu isla Maanta shaaciyey in Shirweynuhu qabsoomayo 12-13-ka bisha 9-aad ee September ee sannadkan 2022.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Xoghayaha guud ee Ururka Waaberi hoos ka akhriso.

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office