Hargeysa (Arabsiyo)  – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Guddi Wasiirro ah u Magacaabay inay soo baadhaan sababihii keenay Mudaharaadkii Rabshadaha watay ee Taageerayaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID ka sameeyeen Magaalooyinka dalka qaarkood.
Madaxweynaha ayaa Wareegtu uu soo saaray Shalay wuxuu ku sheegay in Guddiga Wasiirrada ah looga baahan inay soo ururriyaan sababihii keenay Mudaharaadkaasi isla-markaana soo baadhaan Ciddii Masuulka ka ahayd Mudaharaadkaasi iyo khasaarihii ka dhashay.
Wareegtada Madaxweynaha oo lagu Magacaabay Wasiirrada Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Isgaadhsiinta Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, ayaa lagu yidhi “Sida aad la socotaan waxa dalka ka dhacay Mudaharaaddo rabshado wata oo sababay khasaare naf iyo Maalba leh, sidaa darteed waxaan idiin Magacaabay inaad noqotaan Guddiga u xil-saaran Xal u helidda dhammaan dhibaatooyinkii dhinacyada badan lahaa ee la xidhiidha khasaarihii ka dhashay mudaharaadyadii dalka ka dhacay 11 August 2022, qodobbada aad u xil-saaran tihiina waxa ka mid ah-:
1. Inaad soo ururisaan sababihii Mudaharaadka keenay.
2. Khasaarihii ka dhashay Mudaharaadka
3. Cidda Eedda leh.
4. Mustaqbalka sida ugu habboon ee xal waara loogu heli karo. Sida kale Guddi ahaan waxaad sii wadi doontaan xilkii aad hore u hayseen oo ahaa la socodka hawlaha Xisbiyada Mucaaradka ah..”
Dhinaca kale, Wareegtada Madaxweynaha ayaa soo baxday, ka dib markii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan uu Magacaabay Guddi baadha khasaarihii ka dhashay Mudaharaadka ay Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradku ka sameeyeen Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office