Hargeysa (Arabsiyonews) – Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Xiisadda Shiinaha iyo Taiwan oo meel xaasaasi ah Maraysa.
Toddobaadkii hore, Shiinaha ayaa ka cadhooday Socdaal ay Haweenayda hoggaamisa Golaha Wakiillada ee Maraykanku ku tagtay Taiwan, waxaanu arrintaa ku tilmaamay faro-gelin lagu sameeyay Madax-banaanida dhuleed ee Shiinaha, maaddaama oo uu aaminsan yahay in Taiwan ka mid tahay Dhul-weynaha Shiinaha.
Shiinaha ayaa Maalin ka dib, safarka Nancy Polisy wuxuu dhoolla-tus Millateri ka sameeyay marin-biyoodka Taiwan, waxaanu meelo ka mid ah Biyaha badda Taiwan ku riday Hub.
Arrintaasi ayaa abuurtay xaalad cakiran oo Dawladaha dunidu siyaabo kala duwan uga hadlaan, halka qaarkoodna sida Soomaaliya ay la safteen Shiinaha.
Sidaa darteed, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in nabadda Taiwan la ixtiraamo “Waxaan aad u aaminsanahay in nabadda Taiwan ay mudan tahay in la ixtiraamo..” ayuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey boggiisa Twitter-ka.
Dhanka kale, Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Hargeysa Ambassador Allen Lou, ayaa ka Mahad-celiyey hadalka taageerada ah ee Wasiirka Caafimaadka Somaliland, waxaanu yidhi “Wasiir, waad ku mahadsan tahay taageerada (oo ku beegantay) wakhi ku habboon. Taiwan iyo Somaliland waxay wadaagaan qiimaha nabadda & dimuqraadiyadda, dhammaanteenna waanu ixtiraamnaa nidaamka caalamiga ah ee xeerarka ku salaysan…”
Somaliland iyo Taiwan ayaa leh xidhiidh wanaagsan, waxaana Tiapea iyo Hargeysa u jooga Safiirro.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









