Hargeysa (Arabsiyonews) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidammada Booliska, ayaa ka hadlay Xaaladda amni ee dalka.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska, ayaa Xisbiyada WADDANI iyo UCID ku eedeeyay in Mudaharaadka ay abaabulayaan ay uga gol leeyihiin inay amniga ku waxyeeleeyaan.
Wasiirka oo Hay’adaha amniga faray inay ka hor tagaan wax kasta oo Amniga khatar ku ah, ayaa yidhi sidan ….”……”
Dhanka kale, Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa si gaar ah eedaymo u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Taliyaha oo daba socday Eedaymo uu Shalay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI u jeediyey Ciidanka Booliska isla-markaana uu ku dhaliilay hab-dhaqankooda, ayaa sheegay in Xirsi caadaystay inuu wax ka sheego Ciidammada Amniga Qaranka, taasina tahay wax aan la aqbali karin.
Taliyuhu wuxuu dib u raacay Taariikhda Siyaasadeed ee Guddoomiye Xirsi iyo Ficillo uu sheegay in aanay wanaagsanayn oo uu ku kacay markii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada iyo ka horba, waxaanu Taliyaha sheegay in Xirsi gaadhay heer uu Maleeshiyo-beeleed samaysto isla-markaana uu hub saaro gaadiid uu Madaxa ka jaray, isagoo doonayey inuu fashiliyo doorasho xilligaa loo diyaar-garoobayey.
Hadalka Wasiirka iyo Taliyaha Booliska, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xisbiyada Mucaaradku dalbadeen in loo ogolaado inay Magaalooyinka dalka ka sameeyaan Mudaharaad.
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa isku khilaafsan doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta ururrada siyaasadda ta soo horraynaysa.
Mucaaradka ayaa doonaya in doorashada Madaxtooyada xilligeeda lagu qabto, halka Xukuumaddu doonayso in ta ururrada siyaasadda la soo hor-mariyo.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









