Qisada Orodyahanka Mo Faarax Oo Xog Cusub Laga Helay

0

London (Arabsiyonews) – Wargeyska Daily Mail oo ka mid ah Warbaahinta illaa hadda baadhista ku wada sheekada Orodyahanka Caalamiga ah ee Mo Faarax, Magaciisa runta ahina yahay Xuseen Cabdi Kaahin.

Wargeyska oo daba socda isla-markaana baadhis ku sameeyay sifihii uu Xuseen Cabdi Kaahin ku tagay UK, ayaa soo ogaaday arrimo aan hore looga ogayn sheekada Orodyahanka, arrimahaas oo ay ka mid tahay sidii lagu geeyay Jabuuti oo sannadkii 1993-kii si aan sharci ah looga dhoofiyey, looguna geeyay Dalka UK.

Wargeysku wuxuu sheegay in sheekada Mo Faarax ee tagiddiisa Ingiriisku ay ku xidhiidhsan tahay Nin lagu magaciisu yahay Mukhtaar Faarax, kaasi oo ah Aabbaha dhalay Carruurta mar lala geeyay Uk.

Wargeysku wuxuu War-bixintiisa ku yidhi “Sannadku waa 1993-kii, sheeko aan caadi ahayn ayaa ka socota Gegida Diyaaradaha ee Heathrow ee Magaalada London.  Isagoo si samir leh ula taagan dadkii badnaa ee ku sugnaa Barxadda Garoonka isla-markaana sugaya inuu soo dhoweeyo qoyskiisa oo ka soo jeeda Gobolka Geeska Afrika ee dagaalladu aafeeyeen, kaasi waa Mukhtaar Faarax oo ah Soomaali Qoxooti ku ah Uk.
Wuxuu doonayaa inuu inuu dib ula midoobo Qoyskiisa iyo wiilkiisa Maxamed oo sagaal jir ahaa, laakiin markii uu inankii u soo dhawaaday, ayaa farxaddii Mr Faarax isu beddeshay yaab iyo naxdin. Waayo? Wax baa si xun u khaldamay, wuxuu gartay in Wiilkii yaraa ee xaaskiisa la socday ee aanu Maxamed ahayn, dabadeedna wuxuu waydiiyey ‘Aaway Maxamed’ isagoo ooyaya, wuxuu raaciyey ‘Halkee ayuu joogaa?’

Wiilka ku fadhiistay kursigii Maxamedka Runta ah ee diyaaradda, qaatayna  aqoonsigiisu wuxuu ahaa Mo Farah oo Magaciisa runta ahi yahay Xuseen Cabdi Kaahin.

Wargeysku wuxuu sheegay inuu ogaaday xaqiiqada waxa Xuseen ku kelifay tagidda UK.

Daily Mail wuuxu qoray “Xaqiiqdu waxay ku jirtaa nolosha jacaylka murugsan ee Mukhtaar Faarax, ninkaas oo niyad jabay, markii Mo, oo aanu weligii hore indhaha u saarin, uu ka soo degay garoonka diyaaradaha London, ku dhawaad ​​30 sano ka hor.

Taariikhdiisii ​​jaceyl ee quruxda badnayd Mr Faarax waxay ka bilaabantaa wakhti dheer ka hor tuulada Idhanka Deeriyanka ee Galbeedka Somaliland, halkaas oo aanay ku ooli ln guryo badan. Halkan ma jiraan waddooyin ama dugsiyo. Dumarku waa in ay maalin walba mayl u lugeeyaan si ay ceelal biyo uga soo dhaansadaan. Ragguna maalin kasta Xoolaha ayay ku iibiyaan Magaalo u dhow.

Dhulkan waxa ku dhashay Sir Mo oo Magaciisa saxda ahi yahay Xusèen, waxaana dhalay Cabdi Kaahin, oo ka mid ah beeraleyda iyo xaaskiisa Caa’isha, Carruurtooduna waa sagaal.

Waxay ku noolaayeen ‘aqal’ Soomaali laga sameeyay laamaha geedaha, kuwaas oo lagu dahaadhay xilliyada sanadka oo dhan baco midabyo badan leh si looga ilaaliyo roobabka mahiigaanka ah.

“Anigu waxa uu ogaa in Xuseen [Sir Mo] uu noqon doono orodyahan sida aabihii oo kale..” ayay Wargeyska oo halkaa booqday u sheegtay inaadeertii Sawda Cali Faahiye,’

Cabdi oo ah Xuseen aabihii, waxaa naxdin leh, in waqtigoodii ay si arxan darro ah u soo gaabteen, ka dib markii Cabdi uu dhibane u noqday agaaladii lagu hoobtay ee Soomaaliya. “Isagoo geela la socda ayuu gantaal xagga dambe kaga dhacay” ayuu yidhi Nin ay saaxiib ahaayeen oo aad uga dhawaa.

Cabdi isla goobta ayuu ku dhintay isaga iyo nin kale oo reer miyi ahaa.

Caa’isha oo ah Xuseen Hooyadii, iyada oo u baqanaysa badbaadada qoyskeeda, kana werwersan in ay awoodi waydo in ay masruufto carruurteeda, waxa ay ku qasbanaatay in ay go’aan murugo leh qaadato oo ay halkaa kala tagto labadeeda wiil ee mataanaha ah ee Xuseen (Mo) iyo Xasan, kuwaas oo u tagay in ay la joogaan adeerkood iyo eeddadood, kuwaasi oo ku noolaa dalkaJabuuti oo Somaliland jaarka la ah.

Dhowr sano ka dib, mataanaha ayaa waayay xidhiidhkii hooyadood, sidaa darteed Nimco oo ah Haweenayda Xuseen magaca ka beddeshay isla-markaana geysay Uk, waxay ku noolayd meel u dhow wiilashan gurigooda cusub ee Jabuuti, waxayna xilligaa guursatay Mukhtaar Faarax oo aan kor ku soo xusnay inuu ku  guulaystay inuu magangalyo ka helo dalka Britain.

Markaa ka dib, Wuxuu ka codsaday Nimco inay ku soo biirto oo ay tagto Uk.

Wargeysku wuxuu sheegay “Mukhtaar iyo Nimco  oo dhawaan is guursaday. Inkasta oo ay labada Carruur ah ay isku dhaleen, saddexda carruurta ah ee sheekada ku jira,, ugu yaraan mid ka mid ah wuxuu ka yimid xidhiidh ama Guur hore, kaasi oo ah Maxamed-ka dhabta ah, taasi oo loo fahmi karo in xaas kale u dhashay, maaddaama oo uu afar jeer guursaday Mukhtaar.
Laakiin, waxaa jirtay dhibaato, waayo?  Maxamed oo Aabihii Mukhtaar doonayey in Uk loogu geeyo waxa uu xilligaa la noolaa hooyadii amaxaaskii hore ee Mukhtaar, taasi oo ku noolayd magaalada Berbera. Markii ay Nimco u tagtay si ag Maxamed uga soo wareejiso isla-markaana Aabihii ugu geyso Uk, ayaa Xaaskii hore ku tidhi: ‘Ninkaygii waad iga qaadday, haddana waxaad doonaysaa inaad wiilkayga kaxayso. Ma aqbali doono taas.’

Sidaa darteed, Nimco waxay ka baqday in xuduuduhu su’aalaan halka uu ku sugan yahay ilmihii saddexaad ee Fiisaha loo siday oo aan loo ogolaan, sidaa awgeed haddii ay weyday Maxamed Mukhtaar, Nimco waxay go’aansatay inay kaxayso mid ka mid ah labadii wiil ee agteeda degganaa oo ay isku da’ ahaayeen Maxamed.

Wiilka la doortay ayaa ahaa Xuseen Cabdi Kaahin, sidaas ayayna ku kaxaysay isla-markaana ku geysay Ingiriiska, iyadoo Magaciisa Xuseena ku beddeshay Maxamed oo ahaa Magaca ku qornaa sharci loo adeegsaday safarka.

Source Dailymail https://www.dailymail.co.uk/news/article-11040493/amp/The-real-story-Olympian-Sir-Mo-Farah-smuggled-Britain.html

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office