Addis Ababa (Arabsiyonews) – Dawladda Dhexe eeĀ Itoobiya, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al-shabaab.
War-murtiyeed ay dowladdu soo saartay ayay kaga hadashay dagaalkaasi ayay ku sheegtay in dagaalkii ka dhacay degmada Feerfeer lagu dilay inka badan 80 kamid ah kooxda Al Shabaab, sidoo kalena maxaabiis badan lagaga qabtay dagaalkaas.
Dhinaca kale, waxaa War murtiyeedkan lagu xusay in xubno gaadhaya ilaa 209 xubnood oo kamid ah kooxda Al Shabaab iyagana lagu dilay dagaal kale oo isna ka dhacay gobolka Afdheer oo ah gobolkii ay Al Shabaab kasoo gashay degaanka Soomaalida.
“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan degaanka Ceelkarri, si ay u gaadhaan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xidha deegaannada Soomaalida iyo Oromada, si ay khalkhal u sameeyaan Jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yidhi war murtiyeedka kasoo baxay dowladda dhexe ee Itoobiya.
Ururka Shane oo ka go’ay Ururka OLF ee Oromada ayaa ka mid ah Ururrada hubaysan ee ka howlgala degaanka Oromiya ee dalka Itoobiya.
Waxyaabaha kale ee War-murtiyeedka dowladda ku sheegtay waxaa ka mid ah in intii uu socday dagaalkan Al-shabaab laga furtay qalab Isgaadhsiineed oo gaadhaya ilaa afar qaybood.
Kooxda Al-shabaab ayaa geestooda billowgii dagaalka waxay sheegteen inay dileen Askar badan oo ka mid ah Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida.
Warka ka soo baxay dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli weli Al-shabaab ay ku jiraan gudaha degaanka Soomaalida, isla-markaana aan wali lagu kala bixin dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al-shabaab.
Dawladda Federaalka Itoobiya ma sheegin Wax tallaabooyin kale ah oo u qorshaysan inay u qaaddo si Ciidammadeedu uga adkaadaan kooxda Al-shabaab, marka laga yimaaddo dagaalka Tooska ah ee Ciidammadeedu kula jiraan kooxdaasi.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









