USA (Arabsiyo) – Xildhibaannada aqalka Koongarayska Maraykanka, ayaa Dawladda Somaliland u soo jeediyey inay sii waddo sharfidda Saxaafadda iyo la shaqaynteeda.

Koongaraysku waxay Somaliland ugu baaqay Inay sii waddo sharafta ay ku dhex leedahay dalalka Geeska Afrika ee dhinacyada dimuqraadiyadda, xorriyatul-qawlka iyo Madax-banaanida Saxaafadda.

Baaqa Xildhibaannada Koongarayska, ayaa soo baxay Maalin ka dib, markii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqday inay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ka mabmuucday inay ka shaqayso gudaha Somaliland, arrintaasi oo marka indhaha Caalamka lagu eego lagu tilmaamay wax aan faa’iido u lahayn siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland isla-markaana dhaawacaysa sumcaddii Somaliland ee dibedda.

Sidoo kale, Xildhibaannada Aqalka Koongarayska ee Maraykanku waxay sheegeen inay sii wadayaan hindisaha lagu yagleelayo xidhiidh adag oo Washington D.C ay la yeelato Somaliland.

Dhinaca kale, Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u joogay Dalka Itoobiya, sidoo kalena soo noqday Ergayga Xoghayaha guud ee arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsana Afrika Ambassador Timbor Nagy oo isaguna ka hadlay Xayiraadda Somaliland saartay Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in xayiraadda Warbaahinta ay ka wanaagsan tahay in wax la baro Suxufiyiinta.

Ambassador Timbor Nagy oo arrimahaa kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka, ayaa yidhi “Si buuxda ha loo fahmo niyad-jabka Somaliland ee ku aaddan tebinta Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, laakiin mamnuucidda warbaahinta caalamiga ahi waa mid aan faa’iido lahayn, waayo?  Saxaafaddu waxay mar walba heshaa erayga ugu dambeeya. Markaa waxaa ka wanaagsan (Xayiraadda) in wax la baro intii la isku dayi lahaa in la meesha laga saaro..”

Dawladda Somaliland, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ku eedaysay inay ku xad-gudubtay Qaranimada iyo haybadda Dawladnimo ee Somaliland.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office