Orodyahanka Maxamed Faarax Oo Dunida Tusay Xasuuqii Siyaad Barre Ka Geystay Somaliland

0

London (Arabsiyo) – Orodyahanka Caalamiga ah ee reer Somaliland ee ku caan ku baxay Magaca ‘Maxamed Faarax’, ayaa dunida u soo bandhigtay inuu ka mid yahay Dadka dhibaatadu ka soo gaadhay Xasuuqii Dawladdii Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ka geysatay Somaliland sanadkii 1988-kii.

Maxamed Faarax oo u ordo Boqortooyada Ingiriiska oo uu dhalasheeda haysto, ayaa Warbaahinta Adduunka u sheegay in si sharci-darro lagu geeyay Dalka Ingiriiska isaga oo 4 jir ah, balse qofkii xilligaa halkaa geeyay uu si ku talo-gal ah uga beddelay Magaciisii rasmiga ah, kaasi oo ah Xuseen Cabdi Kaahin, isla-markaana loo bixiyey Maxamed Faarax, Magacaasi oo uu ku helay Sharciga Ingiriiska.

Laakiin, Qisada ku jirta Taariikhda cusub ee uu Xuseen shaaciyey isla-markaana dunida u soo bandhigay ayaa ah sida Xasuuqii Maxamed Siyaad Barre u geystay Shacabka Somaliland ay saamaysay Qof kasta oo reer Somaliland, taasina keentay in Dadkii reer Somaliland ay nafahooda ula eertaan hadba halkii suurto-gal ah.
Xuseen Cabdi Kaahin oo hadda loo yaqaano ‘Maxamed Faarax’, ayaa Waraysi uu siiyey Idaacadda BBC-da ku sheegay in Aabbihii Cabdi Kaahin uu ka mid ahaa Dad reer Somaliland ah oo ay dileen Ciidamamda Milletariga ahaa ee ka amar qaadanayey Maxamed Siyaad Barre oo muddo 21 sanadood ah xoog ku xukumayey dalkii la isku odhan jiray ‘Jamhuuriyadda Soomaaliya’ taasi oo dabcan Somaliland-na ka mid ahayd xilligaa.
Wuxuu sheegay in Aabbihii lagu dilay degaan ka mid ah Gobolka Gabiley ee Somaliland, laakiin faahfaahin intaa ka badan ma bixin Xuseen Cabdi Kaahin.
Hase-ahaatee, hadalka Xuseen Cabdi Kaahin ayaa hadda uun Dunidu ku baraarujiyey inta uu leekaa Xasuuqii uu Siyaad Barre ka geystay Somaliland, waxayna Warbaahinta Caalamiga ahi isku hawlayaan sidii ay arrintaa baadhitaan rasmiya uga samayn lahaayeen, tallaabadaas oo haddii ay suurto-gasho wax weyn ka tari doonta Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland, maaddaama oo Dadweynaha dunida, gaar ahaan Madaxda Dawladaha Horumaray ay fahmi doonaan sababta rasmiga ah ee reer Somaliland ku khasabtay inay Madax-banaanidooda kala soo noqdaan Soomaaliya.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office