Beesha Ibraahim Sh. Isaxaaq oo sheegtay inay faro-madhan ka joogto saamigii ay ku lahayd Xukuumadda Somaliland

0

Burco (Arabsiyonews)- Aqoonyahan, waxgarad iyo dhalinyaro ka soo jeeda beelaha Ibraahim Sh. isaxaaq (Sanbuur) kulan warbaahineed ku qabtay Magaalada Burco xalay, ayaa sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Biixi ka tirtirtay Saami-qaybsigii ay xaqa u lahaayeen, isla markaana aanay wax xil ah mid xukuumaddeed iyo gobol toona ka haynin, una arkaan inuu madaxweyne Muuse Biixi ula badheedhay inuu qadiyo.

Aqoonyahanka iyo waxgaradkan, ayaa sheegay in sidoo kale aanay xukuumaddu habayaraatee wax waxqabad ah ka fulin deegaamada ay beeshoodu degto oo ku kala yaalla gobolada, Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar iyo Sanaag oo deegaamada qaarkood mashaariicdii laga dhagax dhigay markii ay dawladdu dhaqaajin wayday ay iyagu iskaa-wax-u-qabso ku dhisteen, iyagoo arrinta waxqabad la’aanta ku tilmaamay mid ku taariikhaysan sidii Somaliland loo dhisay aanay xuquuq waxqabad ka helin xukuumaddihii talada u kala dambeeyey.

Hase yeeshee waxa ay xooggan ugula garnaqsadeen Xukuumadda madaxweyne Biixi balanqaadyadii uu u sameeyey markii uu olollaha ku jiray oo ay tilmaameen inay ka filayeen xilal xukuumi ah iyo mashaariic horumarineed intaba.

“Madaxweynuhu wuu ku mahadsan yahay inuu bilowgii Hal wasiir Beesha u magacaabay, oo aanu lahayn intaaba kordhi, laakiinse waxa nasiib-darro ah in Wasiirkii uu la noqday, cid uu ku bedelayna aanay jirin” ayey sheegeen xubnaha kulankaasi ka hadlay.

“Maanta laga bilaabo xuquuqdeeda iyo saami-qaybsigeeda waxay si toosa ugala xaajoonaysaa cid kasta oo danaynaysa, hadday xukuumad tahay iyo hadday Xisbiyo tahayba” ayey raaciyeen.

Dhalinyarada iyo aqoonyahanku waxa kale oo ay iclaamiyeen shirweyne Aayo-ka-tashi ah oo ay ugu baaqeen bulshada ka soo jeeda beeshaasi inay isugu yimaadaan, shirkaasoo ka dhici doona magaalada Burco, sida ay sheegeen.